FAALLO: Sidee u aragtay erayga ka dhashay arrinta Ilhaan Cumar (Maxaadan fahmin?)

0

(Hadalsame) 12 Maarso 2020 – Ummad waliba waxa ay leedahay waxyaabo ay gaar u leedahay oo ay ilaalsato. Waxyaabahaas oo ah ay kuwa dadyowga kale ka duwa oo looga garto. Soomaalinimada iyo Islaamnimada ayaa ah aqoonsigeenna (identity) ay tahay in aan ku fara’adayno oo gaadh ka haynno.

Doodda arrinta Ilhaan salkeedu waa kaas. Sababta guurka (sida ay sheegatay) Ilhaan dad badan uga qayliyeen ma ahan in dookheeda iyo go’aankeeda shakhsiga ah loo diiddan yahay, ee waa ilaalinta labada aqoonsiga ee aan kor ku sheegay, waayo Ilhaan labadaas ayay kulansatay (sidii inoo muuqatay) ayagana ayayna ku yeelatay magaca ay maanta leedahay. Sidaas darteed waxaa waajib ku ahayd in ay ilaaliso balse nasiibdarro ma aysan garan. Sideedaba waa in aan ogaanno qofka madaxda ah xor u ma aha sida dadka kale oo waxa uu doono ma samayn karo, tallaabo walba oo uu qaadayo waa in ay noqoto mid aan dhaawacayn rukunnada jiritaanka ummaddiisu ku taagan tahay, waayo waxa ay tusaale u yihiin bulshada inteeda kale.

Dad qaar ayaa doodda u dhigay weerar iyo cabudhin ragga Soomaalidu ku hayaan dumarka Soomaaliyeed. Taasi waa marinhabaabin doodduna halkaas ma jirto. Bal iswaydii oo tiri tirada gabdhaha Soomaaliyeed ee ajnabiga guursaday miyaad aragteen rag ku dhaggan? Jawaabtu waa maya. Maxaa Ilhaan ka duway? Jawaabtu waa tan aan kor ku xusay.

Tan ka sii daran waxaas oo dhan oo dad badan doodda soo galisay waa in Ilhaan ahayd Marwo iyo hooyo ay gabdho badan oo Soomaaliyeed ku majeeran jireen ku hammin jireen in ay maalin dhistaan qoys kan Ilhaan.oo kale ah. Qoyskii sidaas ahaa habeen madow baa shaydaan ka dhextoosay. Shaydaankuna mid kale ma ahayn ee waxa uu ahaa dayuuska lagu magacaabo Tim Mynett.

Waxaa naxdin leh i rag waa wayn oo Soomaaliyeed ay difaacaan waxa Tim Mynett ku dhiiqsaday ayaga oo iska dhigaya ama isku arka rag ilbax ah oo horusocod ah. Balse raggaas waxa ay la mid yihiin doofaarkii Soomaalidu ugu maahmaaday “DOOFAAR FICIL LA’AAN BAA LAGU CADAABAA.” Soomaalidaasi waa ogaayeen in aan Alle doofaar cadaabayn oo doofaarku yahay bahaahin wax-ma-garad balse waxa ay xayawaannada kale uga sooceen dhaqan foolxun oo xayawaannada kale ka gilgishaan ayuu doofaarku wax caadi ah oo aan dhib la lahayn u arkaa: waa in uusan ka diirin oo ka gilgilan marka doofaar kale qoyskiisa inta soo dhexgalo ku hor boodo (kudo) marwadiisa iyo inantiisa (gabadhiisa).

Waxaa Qoray: Cali M Diini

Hadalsame Media