GAROON MISE GELGELIN? Dood ka dhalatay lacagta la sheegay inay ku baxday Garoonka Baraawe (Maxaan oganahay?)

0

(Hadalsame) 11 Maarso 2020 – Waxaa si aad ah loo hadal hayaa furitaanka Garoonka Baraawe oo uu shalay furay RW Khayrre, kaasoo ay dadka qaarkii ku kaftameen inuu garoon iyo inuu gelgelin yahay.

Waxyaabaha ay dadku aad ula yaabban yihiin ayaa waxaa ka mid ah lacagta la sheegay inay ku baxday oo lagu sheegay 4.3 milyan oo doollar iyo waxa meesha ka dhisani sida ay isu diidayaan.

Garoonku malaha dhabbe dhisan (tarmac) oo ay dayuuraduhu ku ordaan, sidoo kale dhismaha meesha ka muuqdaa kama wayna fillo yar oo uu qof caadi ihi dhistay, marka halkee ku baxday lacagtaa badani?

Waxaa markii hore ay dadka qaar isku qancinayeen inuu dhismuhu sii soconayo oo kaliya garoonka loo fasaxay inuu sii shaqeeyo.

Yeelkeede, Danjiraha MY u fadhiya Somalia, Md Nicolas Berlanga, ayaa Twitter-ka ku sheegay inuu garoonku ”dhamaystirmay kharashka ku baxayna uu sax yahay”, taasoo dhalisay inay dadku is eeg eegaan.

Waxaa kale oo warka Danjiraha ka muuqata in kharashkan oo ah deeq dibadeed ay beesha caalamku wax ka ogtahay ama ay lafteedu musuqday, waayo haddii kale xisaabtan ayaa muuqan lahaa.

Waxaa sidoo kale isla arrintaa uu Danjiruhu sheegay ka marqaati kacaya balooga Xafiiska RW Xasan Cali Khayre.

”Inta dhimana in la dhamaystiro, isla markaana jid 7 km ah oo isku xiraya garoonka iyo magaalada Baraawe ayaa waxaa dhismihiisa ballan qaadaysa DF Somalia,” ayuu yiri RW Khayrre, halkaasoo ay dood kale ka aloosmayso, taasoo ku saabsna inay lacagtaasi tahay mid ka baxsan miisaaniyadda iminka la sheegay iyo inay ka mid tahay.

Sidoo kale, ma qaabka ay wax u gudbinayso XFD ayay wax ka khaldan yihiin oo howshu weli waa furan tahay oo waa qabyo?

Waxaa beri dhowayd magaalo ku taalla Gobolka Gedo laga dhisay wax u eg balanbalo, taasoo la sheegay inay isla dhiseen ilaa 15 waddan iyo ururro caalami ah, taasoo muujinaysa in loo baahan yahay xisaabtan ka yimaada DF iyo maamullada haddii ay cidda wax is dhaafinaysaa tahay beesha caalamka ama in ay DF far isu celiso haddii ay iyadu raalli ama qayb ka tahay in balanbalo ay isla dhisaan 15 dowladood ama gelgelin garoon lagu tilmaamo. Tani mid soconaysa ma ahayn.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media