Maxaa kasoo baxay tijaabada coronavirus ee laga qaaday Kylian Mbappe?!!

0

(Paris) 10 Maarso 2020 – Laacibka caalamiga ah ee reer France ayaa tababarka ka maqnaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay, balse waa laga waayey cudurka corona.

Kylian Mbappe ayaa laga qaaday dhowr tijaabo oo looga baarayey coronavirus, balse natiijadu waxay noqotay diidmo xiddigga Paris Saint-Germain.

Mbappe ayaa mar lagu sheegay inuuba noqday laacibkii ugu sarreeyay ee kubadda cagta dheela ee cudurka laga helo, kaasoo ah cudur dunida oo idil iminka ku sii faafaya.

Waxaa saakadii hore dunida oo dhan la marsiiyey in laacibku uu cudurka beryahan la jiifey oo aanu xitaa tababarka Mbappe tababarka imanin.

Kooxda uu laacibkani u dheelo ayaa berri Dortmund ku wajahaysa CL, iyadoo deeto Nice madadaalinaysa todobaad dhamaadka, kahor intaanay Marseille u martiyin 22-ka Maarso.

PSG ayaa haatan Ligue 1 ku hogaaminaysa 12-dhibcood oo nadiif ah oo ay uga hayso isla Marseille, tiiyoo ay hal kulan ka yar tahay.

Hadalsame Media