XOG SHIILAN: Maxay tahay sababta uu Ina Salmaan Amiirrada u aamusiyey?

0

(Riyaad) 10 Maarso 2020 – Xiritaanka amiirrada sare ee Sucuudiga ee uu qabtay hoggaamiye beenaadka, Dhaxal suge, Maxammed bin Salmaan, ayaa kicisay moowjad shaki ah oo ku saabsan sababta sida dhaqsaha ah raggan loola kacay.

Ninkan oo ah mid had iyo goor dood dhalis ah, Amiir Maxamed (oo inta badan loo yaqaanno MBS) ayaa muujiyey damiciisa bilaa naxariista ah ee ku dhisan inuu khasab iyo xoog ku gaaro figta sare ee siyaasada, isagoo aamusinaya inta ka hor jeedda eek u jirta xayndaabka hoose tan iyo markii uu soo baxay 2015-kii.

Xubnaha nasiibka daran ee ay iminka dul saaran tahay seefta damaca MBS waxaa ka mid ah xubno ka tirsan qoyska reer boqor ama reer Sucuud – waxaana ugu muuqda adeerkii, Amiir Axmed bin Cabdul Casiis, wasiirkii hore ee gudaha; ina adeerkii, Amiir Maxammed bin Nayef (loo yaqaan MBN), dhaxal sugihii hore iyo wasiir gudeedka – waxaa loo wada xirey in su’aalo la waydiiyo iyagoo ku eedaysan khiyaano qaran, waloow aan weli la keenin wax caddayn ah.

Labada nin midkoodna awood badan ma hayn: MBN waxaa si bilaa xushmad ah xilkii dhaxal suge uga xooray Boqor Salmaan oo wiilkiisa MBS booska u sallaxay 2017; halka Amiir Axmed uu door biday inuu waqtigiisa iyo lacagtiisa ku qaato magaalada London, kahor intii aanu soo laabanin dabayaaqadii sanadkii tegey.

Su’aasha ay dad badani is waydiinayaan waxay tahay sababta uu MBS markale u guddoonsadey inuu cayrsado ragga uu halista u arko, maadaama la og yahay in horay loo daciifiyey oo aanayn iminka awoodda ku qabsan Karin?

Isaga unbaa jawaabta yaqaanna, weliba dal u xirxiran sida Sucuudiga suuragal maaha in runta laga ogaado ilaha rasmiga ah ee madaxda Sucuudiga.

Yeelkeede, hal arrin ayaa hubaal ah – amiirka da’da yari wuu sii ogaa inaysan arrintani wax wayn u dhibaynin maxalli ah iyo caalami ahaanba.

Sir iyo ku tiri kuteen

Kaddib markii uu ka badbaadey moowjaddii dhaleecaynta ahayd ee la socotey khaarajintii weriyihii Sucuudiga ahaa ee Jamaal Khashuuqji oo lagu qalay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul 2018-kii, MBS cabsi badani kuma jirto.

Aqalka Cadi wuxuu u taageeray si kal iyo lab ah, Britain iyo France canaantoodu aad bay u dabacsanayd, iyagoo halkoodii kasii watay howlihii Riyaad kala dhexeeyay: Ruushka iyo Shiinaha maxaaba iyaga ka galay.

Donald Trump saaxiib dhow ayuu la yahay MBS

Marka waxay taasi MBS gayaysiisey inuu iska falo wixii uu doono sida uu u doono, isagoo awooddiisa kordhiyey isla markaana go’doominaya qaybo muhim u ahaa nolosha Sucuudiga – ha ahaadaan wadaadada, qaraabada, ganacsatada ama kooxaha wax cadaadiya ee maxalliga ah – isagoo mid mid ugu cajiimaya cududda dowladda.

Waa Siyaasadda Kali talisnimada 101, balse ah nooca qarniga 21-aad. Tusaale, Amiirrada uu xabbisay wuxuu ku xirey hoteelka ku yaalla Riyaad ee Ritz-Carlton sanaddii 2017-kii, isagoo nin jajaban isu muujinayey markii ay kaamarooyinku qabteen isagoo MBN oo uu xilka ka xoogen u jilba jabsanaya oo gacantiisa dhunkanaya wax loo qaatay is jejebin been ah.

Sidaa waxaa daaqadda uga baxay MBN oo ay reer Galbeedku tan iyo horraantii 2017-kii u arkayeen nin la jecel yahay oo la aamini karo isla markaana leh karti iyo istaahilid uu Boqor ku noqon karo, gaar ahaan hay’aadka amaanka ee caalamka oo idil.

The Ritz-Carlton oo ku yaalla Riyaad oo lagu hayey 200 xubnood oo ah horseedka Sucuudiga.

Marka la eego dhinaca xafiiltanka awoodda ee qoyska reer Sucuud, inta badan waa mid ku dhisan carrab isku taag taag, waxaana soo baxday nux nux ku saabsan in Boqor Salmaan uu geeri qarka u saaran yahay iyo in MBS uu dareemay in afgembi uu hawada ku jiro oo uu xilligii ku habboonaa tillaabo qaaday si uu u shuushiyo.

Labadaa doodoodba midi run kama aha, waayo waxay taasi meesha ka saaraysaa jawaabta iska cad ee ah: inay arrintani tahay farriin ka wada timid Boqor Salmaan iyo wiilkiisa MBS oo qoyska intooda kale xusuusinaya inay is toosiyaan, anshax yeeshaan, isla markaana daacadnimo muujiyaan, isla markaana la xasuusinayey cidda meesha ka diiq ah.

Hana ku khaldamin, MBS isagaa ah madaxa Sucuudi Carabiya, si aan ka leex leexad lahayn.

Michael Stephens oo la shaqeeya Royal United Services Institute oo ku xeel dheer Bariga Dhexe.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji, BBC

Hadalsame Media