DAAWO: ”Si aan Jubbaland ugu dagaallano aan Madoobe taageerno” – Talada aqoonyahanka Kenya

0

(Nairobi) 10 Maarso 2020 – Waxaa weli socota doodaha ay aqoonyahanka Kenya ka yeelanayaan arrimaha Somalia, iyagoo u muuqda kuwo ama is yeel yeelaya oo aan doonayn inay arrinta uga hadlaan si sax ah ama ujeeddooyin istaraatiji ah oo ay leeyihiin dartood qarka u jafa.

Dood uu qabtay KTN News ayaa lagu jeexjeexay dagaalkii ugu dambeeyay ee ay Ciidamada Somalia dib u celiyeen malliishiyaad ay Kenya soo agaasintey soona jiscintay oo dagaal kusoo qaaday Somalia, taasoo uu TV-gu dadwaynaha ugu gudbinayo sidii Ciidamadii Somalia iyo kuwa Jubbaland oo iskaga dagaallamaya gudaha Kenya.

Ragga doodda ka qayb gelaya waxaa inta badan ka muuqata khiyaali, kibir, qab maran, beer abuur, war la’aan iyo inay u haliilayaan dhib ay u gaystaan Soomaalida Kenya haddii dhib kasoo gaaro Somalia.

Waxaa doodda in badan lagu celcelinayaa Farmaajo, taasoo lagu doonayo in Soomaalida loo sawiro in halkaa nin lala dirirsan yahay, iyadoo ay warka ku cad yahay in lagula dagaalsan yahay hanti Soomaaliyeed oo la doonayo.

Mid ka mid ah raggii doodda ka qayb galay oo aad ugu celceliyay waxa ay u yaqaannaan ”Dagaalkii Shuftada”, isla markaana Soomaalida Kenya ku eedeeyay inay u daacad yihiin Somalia in ka badan Kenya ayaa soo jeediyay sidatan:

”Horta ma Somalia ayay Xildhibaanno u yihiin mise Kenya, waa inay joojiyaan inay Twitter-ka uga hadlaan sidii inay Somalia u dhasheen. Masaayda Kenyaba uma dhaqmaan sida Masaayda Tanzania,”

”Arrinta baddu ma aha sheeko 2 doollar ah waa tarilyan doollar. In ay Somalia 3 KM gudaha usoo gasho Kenya waa inay na xusuusisaa Dagaalkii Shuftada iyo inuusan is bedelin moowqifka hogaanka Somalia,” ayuu daba dhigay.

Wuxuu ninkani soo jeediyey in Somalia lugaha la iskugu dhufto maadaama sida uu yiri aysan haysanin dhaqaale iyo taageero caalami ah oo ay Kenya kula dirirto.

”Waa inaan ad-adkaannaa, taasina waa sababta aan ugu baahan nahay inaynaan ka gabanin taageerada Madoobe, waayo ma ogolaan karno in Jubbaland uu Farmaajo maamulo oo markaas wuu naga lib helayaa, cadowgeenna cadowgiisu waa saaxiibkeen,”

Markan ayuu ka daray isagoo muujiyay aragti ay qabaan Kenyan badan, balse ay qaarkood qariyaan, isla markaana ah aragtida ka dambaysa taageerada Madoobe.

”Tan kale, Jubbaland waxay ku taallaa meesha looga doodayo dhul-badeedka, marka haddii aan anigu ahay Madaxwaynaha waxaan qaadi lahaa tillaabo dheeraad ah oo waxaan ku dagaallami lahaa Jubbaland marka ay biyaha sheegtaan.” ayuu warkiisa kusoo jaray.

Arrintan ayay Kenya marar badan kusoo celcelisey, iyagoo doodo badan oo lagu jahawareerinayo ra’yul caamka bulshada Kenya, oo inta badan ah bulsho iska deggan oo aan war badan haynin, kuwaasoo loogu sheegayo inay Somalia horor ihi doonayso inay dhulkooda iyo baddoodaba boobto.

Nasiib xumo, dhanka Somalia waxaa ka jirta saxaafad aan lahayn mabda’ iyo ajeende qaran, marka in yar laga reebo, kuwaasoo inta badan sii tarjuma ama iska qaata waxa ay qoraan saxaafadda Kenya, amaba waxaa jira siyaasiyiin iyo askhaas lacago ku bixiya in xogo been ah dalkooda laga qoro.

Hadalsame Media