”Waa inay markale midoobaan woqooyiga & koonfurta Somalia” – Aqoonyahanno reer woqooyi ah

0

(London) 10 Maarso 2020 – Koox aqoonyahanno ah oo intooda badan ka soo jeeda Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sheegay inay doonayaan inay dib u midoobaan Muqdisho iyo Hargeysa.

Bayaan uu dhaqdhaqaasi ka soo saaray magaalada London ayey ku sheegeen in ujeedkoodu yahay feker iyo aragti abuur midnimo ku salaysan.

Waxayna sheegeen in xubno badan oo ka tirsan dhaqdhaqaaqooda ay ka shaqeeyaan magaalooyin badan oo Somaliland iyo Soomaaliya ah.

Baaqa ayay sheegeen in ujeekiisu yahay sidii la isugu soo dhaweyn lahaa, loona xoojin lahaa wadahadallada ummadda Soomaalida iyo sidii loo heli lahaa midnimo macno leh oo waxtar dhinac walba u leh.

“Sodon sanadood sida iminka Soomaalidu ahayd, gaar ahaan labada gobol laguma sii jiri karo, oo umadnimadu kuma sii jiri karto marka la eego dhibaatooyinkii waaweynaa ee dhacay iyo kuwa iminka labada dhinacba gudahooda ka jira iyo isbedallada waaweyn ee gobolka Geeska Afrika ka dhacaya oo u baahan in la helo jiho cusub oo ka duwan wixii sodonkii sano ee u dambeeyay lagu jiray,” ayuu yiri Maxamed Baashe Xaaji Xasan, xiriiriyaha dhaqdhaqaaqa Mar Kale Midnimo oo BBC-da la hadlay.

Sawirka Maxamed Baashe Xaaji Xasan

Wuxuu intaa raaciyay in xukuumadaha ay culeys ku saari doonaan, doorkooduna uu yahay feker iyo aragti abuur cusub oo ku saabsan midnimada labada dhinac.

Waxaa kale oo uu Baashe sheegay in xubna kamid ah ay ku sugan yihiin gudaha Somaliland, gaar ahaan, Hargeysa iyo Burco degaannada kale iyo dibedda, waxaana uu yiri “si qarsoodi ah ayaanu gudaha uga shaqeynaa.”

Qorshahoodu ayuu sheegay in uu ahaa inay ku kulmaan gudaha Mgaalaada Hargeysa, balse aysan taas suurtagal ahayn, maadaama aanan laga oggoleyn doodda ay wadaan.

Hase yeeshee hadalka kasoo yeeray ururkaas ayaa waxaa ku gacan seyray Somaliland oo sheegtay in taasi aysan shaqeyneyn.

Sawirka Cabdinaasir Cumar Jaamac

Wasiirka kuxigeenka wasaaradda warfaafinta ee Somaliland, Cabdinaasir Cumar Jaamac ayaa sheegay in dadka Somaliland ay dib ula soo laabtaan xorriyadooda.

“Boqolaal isaga (Baashe) ka badan, ka aragti badan, ka aqoon badan ayaa marar badan naga taga oo Soomaaliya aada, kana shaqeeya midnimo iyo arrimo noocas ah, marka dambena Somaliland dib usoo codsaday o cafis ha la inoo fidiya yiraahda,” ayuu yiri wasiir Cabdinaasir.

Mar wax laga weydiiyay sababta aysan dadkaas ugu oggolaaneyn in fekerkooda ay kusoo bandhigaan Hargeysa ayaa wasiirka waxaa uu sheegay in taasi aysan xorriyad qawl ahayn, dastuurka Somaliland-na aysan ku qorneyn.

Inkastoo aan la ogeyn saameynta uu yeelan karo baaqa kasoo baxay dhaqdhaqaaqan ayaa haddana waxa jira dad badan oo aaminsan qaddiyadaas, kuwaas oo aan tegi karin deegaannada Somaliland.

Hadalka ururkan ayaa sidoo kale yimid xilli maalmo kahor la hadal hayay safar aan waxba ka suurtagelin oo la sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaraaha Itoobiya ay ku tegi rabeen magaalada Hargeysa.

Isha: BBC

Hadalsame Media