QM oo Somalia ku wareejisey dokumenti muhim u ah badaha caalamka & waxa loogu tala galay + Sawirro

0

(Muqdisho) 10 Maarso 2020 – Waxaa socotaa mug-dhisidda dalka Somalia oo kasoo kabanaya sanado badan oo dagaallo sokeeye oo micne darro ah, kuwaasoo dalka u loogey faragelin caalami ah iyo jahawareer maxalli ah.

Xafiiska QM ee Somalia ee UNSOM ayaa maanta Somalia ku wareejiyay fure muhim u ah soo laabashada buuxda ee qarannimada Somalia.

‘Waxaa lagu qoray Twitter-ka UNSOM in Somalia, gaar ahaan Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda DF lagu wareejiyay baaqa shixnahada caalamiga ah kuwoodii ugu dambeeyay.

Agabkan ayaa asaasi u ah xayndaabyada iyo xeerarka ugu dambeeya ee lagu mushaaxo badaha caalamka, sida Cahdiga Caalamiga ah ee Xeerarka Badaha. Xeerkan ayaa markii ugu dambaysey ee wax laga bedelo waxay ahayd 1988-kii oo ku dhowayd qaran jabkii, iyadoo ay Somalia muddadaa wixii ka dambeeyay hawadaba ka maqnayd.

Hadalsame Media