RW Sudan oo qarax lala beegsaday & wararkii ugu dambeeyay + Sawirro

0

(Khartuum) 09 Maarso 2020 – RW Sudan ayaa goor aan dheerayn wuxuu ka badbaadey isku day dil, isaga oo maraya jid ku yaalla magaalada Khartuum.

Qoyska Abdalla Hamdok ayaa sheegay inuu qaraxa ka badbaadey, kaasoo lagu bartilmaameedsaday kolonyadiisa, jeer uu kusii jeedey xafiiskiisa iyadoo haatan loola cararay ”meel amaan ah”, sida ay sheegtay saxaafadda maxalliga ihi.

Ma jirto cid ilaa haatan mas’uuliyadda sheegatay, waxaa se sawirrada laga arkayaa laba gaari oo ah nooca Japanese-sameega ah ee SUV oo jidka yaalla iyaga oo daaqadaha ka jajaban. Gaari kale ayaa si wayn isna ugu burburay qaraxa.

Hamdok ayaa RW loo magacaabay bishii Agoosto kaddib markii dibed baxyo dhiig ku daatay lagu ridey xukunkii caskariga ahaa ee Omar al-Bashir bishii Abriil, waxaana lagu bedeley Gole madax bannaan oo ka kooban 11 xubnood oo rayid iyo ciidan ah oo dalka xukumaya muddo 3 sano ah.

Hadalsame Media