Odayaasha Dhuusamareeb oo Puntland uga digey hal arrin oo la hadal hayo!

0

(Dhuusamareeb) 09 Maarso 2020 – Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Dhuusamareeb oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay maamulka Puntland ku eedeeyeen in ay fara gelin ku hayso arrimaha gudaha maamulka Galmudug.

Odayaasha ayaa sheegay, in sida ay yiraahdeen, Puntland ay diidan tahay horumarka iyo dowladnimada ka jirta Galmudug, iyagoo shaaca ka qaaday in ay qorsheynayaan in ay bur buriyaan maamul goboleedka Galmudug.

Sidoo kale odayaasha ayaa waxaa ay tilmaameen in xilligan ay Puntland abaabuleyso hoggaanka Ahlusuna ee loogu awood sheegtay magaalada Dhuusamareeb.

Warkan ayaa kusoo beegmay xilli ay hoggaanka Ahlusuna ay bilaabeen in ay markale siyaasadda ka hadlaan, iyagoo soo celiyey eedamihii ay u jeedinayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa soconaya qaban qaabada kulan kale oo ay odayaasha Galmudug ay arrintan ka yeelan doonaan, sida ay ilaha qaar nasoo gaarsiiyeen.

W; D: Wariye Cabdiweli Tooxow, Dhuusa Mareeb

Hadalsame Media