”Farmaajo waa ka adkaaday Kenyatta, Axmedna waa ku daayey!” – Siyaasi Kenyan ah!

0

(Nairobi) 09 Maarso 2020 – Siyaasiga Ibraahim Maxamed (Johnny) oo ka mid ah dadka ku jira siyaasadda Kenya ayaa qiyaas la yaab leh ka sameeyay arrinta Jubbaland.

Wuxuu koontadiisa Twitter-ka kusoo qoray: ”Hal arrin oo kasoo baxaysa muranka Kenya/somalia waa in MW Farmaajo uu ka gacan sarreeyo Uhuru kenyatta ama ay qayb ka tahay qorshe ka wayn oo lagu hurayo @Madoobe.”

”Mid kasta oo ay tahayba Jubbaland waxay dib ugu laabanaysaa gacanta Muqdisho.” ayuu daba dhigay.

DF Somalia ayaa ciidamo hor leh oo ka tirsan Komaandooska Somalia u diray ”xadka” Somalia-Kenya, halkaasoo ay todobaadkii hore uga adkaadeen malliishiyaad ay Kenya taageerayso oo uu watey Cabdi Janan.

Hadalsame Media