Dad la doonayo in lagu tallaalo caabuqa CORONA oo lacag badan lagu raadinayo? (Waa imisa?)

0

(London) 09 Maarso 2020 – Jeer uu soconayo hardanka lagula jiro caabuqa coronavirus, shaybaar ku yaalla London ayaa raadinaya mutadawiciin uu midkiiba siiyo $4,600 (£3,500) si loogu tallaalo hidde-sidka cudurka.

Sida ku dhigan warqaadka The Times, dadka doonaya inay barnaamijkan ka qayb qaataan waa inay shaqada ama waxbarashada ka qaataan 2 todobaad oo fasax ah, iyadoo sidoo kale laga mamnuuci doono inay dunida kale wax xiriir ah la sameeyaan mudadaas.

Waxaa la qoondeeyay in 24 qof markiiba lagu duro cudurka coronavirus (oo sidoo kale loo yaqaanno Covid-19).

Hvivo, oo ah sharikad ka shaqeeysa shaybaar dhanka karaantiilka ah oo ku yaalla bariga London, ayaa ka mid ah ilaa in ka badan 20 hay’adood oo caalami ah oo hormarinaya tallaalka cudurkan caalamka oo dhan.

The Daily Star ayaa daabacay in mutadawiciinta lagu duri doono laba nooc – oo aan ahayn kuwa halista ah – oo ah fayruskan diley in ka badan 3,800 oo qof (iyo ilaa 3 UK ku dhimatay).

Labada nooc ee dadka lagu durayo ayaa kala ah 0C43 iyo 229E, ayaa la rumaysan yahay inuu sababo xanuun aan badnayn oo dhanka neef-mareenka ah.

Waxaa la rajaynayaa in haddii uu tallaalkani daweeyo noocyadan fudud uu sidoo kale dawayn karo kuwa daran ee coronavirus-ka.

Hadalsame Media