Sucuudiga oo Somalia ku daray liis aan fayoobayn & dalka oo uu laba u kala qaybiyey! (Arag caddayntan)

0

(Riyaad) 08 Maarso 2020 – Sucuudiga ayaa soo saaray wareegto cusub oo uu ku sheegayo inuu si KMG ah u hakiyey bixinta dalkugalka dalxiiska ee uu siin jirey dalal badan caabuqa corona dartiis.

Waxaa dalkugalka bixintiisa la joojiy ka mid ah kuwii Xajka iyo Cumrada.

Haddaba, Sucuudiga ayaa dalka Somalia oo aanu ilaa iminka ka jirin xitaa hal kiis oo la ogyahay oo cudurkan ah liiska kusoo daray.

Kaaga darane wuxuu u kala qaybiyey laba, isagoo gaar u calaameeyay koonfurta Somalia, tiiyoo ay jirto inuusan aqoonsanayn Baasaboorka gooni u goosadka ah ee Somaliland oo aan looga fadhiyin inuu laftooda wax u taro.

Halkan hoose ka eeg dalalka:

Hadalsame Media