WAR FARXAD LEH: Caabuqa corona oo caal loo helay (Tallaal cusub oo lasoo saaray & goorta la heli karo)

0

(Beijing) 07 Maarso 2020 – Waxaa soo baxaya khabar suubban oo ku saabsan cudurka caalamka ka qaylisiiyey ee caabuqa corona, kaasoo iminka xal loo helayo, kaasoo iminka sare u dhaafay 100,000 oo kiis.

Shiinaha ayaa sheegay in tallaal cusub oo loogu tala galay cudurkan coronavirus durba la diyaariyay, kaasoo si caadi ah loo isticmaali karo bisha soo aaddan ee Abriil.

Culumada caafimaadka ee caalamka ayaa beryahanba ku howlanayd sidii tallaal loogu soo saari lahaa caabuqan laayaanka ah.

‘Waxaan qiyaasaynaa in Abriil – marka la marsiiyo sharciyada dalkaasi – ay jirto rajo ku aaddan in tallaalkan loo adeegsan karo si deg deg ah,’ ayuu yiri Zheng Zhongwei, Maareeyaha Farsamada Horumarineed ee Machadka Daraasaadka Caafimaadka Shiinaha.

Halkan ka arag halka ay marayaan kiisaska cudurkan ee caalamka oo idil.

Hadalsame Media