Kenya oo wefdi heer sare ah u dirtay Muqdisho (Ujeedka)

0

(Muqdisho) 08 Maarso 2020 – MW Uhuru Kenyatta ayaa Muqdisho u diray wefdi ka kooban madax dhanka amaanka ah oo la soo kulmaya MW Maxamed Farmaajo, dhaqaaq loo arko mid xiisadda labada dal lagu qaboojinayo.

Wefdigan oo uu hoggaaminayo Wasiir Gudeedka Kenya, Fred Matiang’i, ayaa Muqdisho u baxay kaddib markii ay labada dal iskula dheceen xiisaddii malliishiyaad ay Kenya taageeraysey oo ay is fara saareen Ciidanka Somalia ee ku sugan Beled Xaawo.

Waxaa markaa kaddib xigtey inay labada dal isku eedeeyeen inuu midba kan kale xadkiisa soo galay.

Yeelkeede, cadaadis uu sameeyay dalka Maraykanka, oo lagu daray dhexdhexaadin uu sameeyay RW Abiy Ahmed ayaa keenay inay labada dal khadka uga wada hadlaan samaynta guddi isku dhaf ah oo dhanka amaanka ah.

“Kaddib moowjadihii amaan darrida ahaa ee xadka  Kenya-Somalia, aniga iyo saraakiil sare ayaa waxaa na diray MW Kenyatta si aan dhiggiisa [Farmaajo] ula kulanno, si loo turxaan bixiyo xiisadda xadka.” ayuu Dr Matiang’i soo tweet gareeyay.

Todobaadkii tegey 11 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Kenya ayaa tegey magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay Kenya ku eedaysay inay bexeen rukhsad la’aan.

Hadalsame Media