”Waa in xornimo la siiyaa Falastiin!” – Wasiirka Gaashaandhiga Israel (Sidee wax u dheceen?)

0

(Tel Aviv) 07 Maarso 2020 – Gacanka Twitter-ka Wasiirka Gaashaandhigga Israel ee Naftali Bennett ayaa la jabsaday, iyadoo lasoo geliyey farriimo ay ka mid yihiin in xornimo la siiyo Falastiin iyo Astaanta Calanka Turkiga oo Ingiriisi ah.

Farriinta oo muddo gaaban saarrayd koontada Bennett ee Twitter-ka maanta ayay dadka oo yaabbani markiiba ku boobeen screen shot kahor inta aan la tirin.

Waxaa sidoo kale lasoo saaray waddaniga iyo abwaanka reer Turki ee Mehmet Akif Ersoy, oo ah ninka allifey astaanta calanka Turkiga, qoraalka heesta calanka iyo sawirka calanka Turkiga.

Weli Israel kama hadlin cidda ka dambaysa weerarkan danabeed.

Yuhuudda ayaa muddo aad u dheer waxay haystaan dhulka reer Falastiin, iyadoo ay tartiib tartiib u cunayaan intii yarayd ee u hartay sida Bariga Quddus, Daanta Galbeed iyo Marinka Gazza tan iyo 2005-tii, halkaasoo ay ka gaysato meel ka dhacyo xuquuqda insaanka ah iyo dembiyo dagaal.

Hadalsame Media