Hoggaamiyaha xisbiga cunsuriga ah ee Sweden oo Turkiga laga soo musaafuriyey (Daawo arrin yaab leh oo uu sameeyay)

0

(Istanbul) 07 Maarso 2020 – Hoggaanka Xisbiga soo galooti diidka ah ee SD, Jimmie Åkesson, ayaa Turkiga laga soo musaafuriyey kaddib markii ay booliisku su’aalo waydiiyeen, sida ay dhigayso warbaahinta Sweden.

Åkesson ayaa lasoo sawiray isaga oo warqado ka qaybinaya xadka Turkiga-Giriigga, kuwaasoo uu kusoo qoray ”Sweden waa buuxdaaye ha isku aadina”, taasoo ah aragti aysan la dhicin Turkigu.

Wakaaladda Anadolu iyo warqaadka Sözcu ayaa werinaya in Jimmie Åkesson halkaa shalay laga soo musaafuriyey markii ay saacaddu ahayd 15.45 xilliga Turkiga,  ama 13.45 aminta Sweden, iyadoo la saaray dayuurad u socotey Köpenhamn (Copenhagen) kaddib markii ay ka tagtay dayuuraddii uu la socdey su’aalaha booliiska oo dheeraaday dartood, sida uu dhigay Artigercek oo uu ku raacay Dagens Nyheter.

Sawirrada ayaa muujinaya hoggaamiyaha SD oo ay gelbinayaan Booliiska Turkigu.

Markii jidka lasii wady ayaa la sheegay inay saxaafadduu sawirro ka qaadeen, taasoo uu Jimmie Åkesson uga jawaabey inuu isna sawirro ka qaado, taasoo ay markale ka xumaadeen Booliisku.

Ninka Xisbiga SD warfaafinta ugu qaysan ee Henrik Gustafsson ayaa dowladda Turkiga ku tilmamay ”mid foowdo ah oo aan ogolayn xorriyadda hadalka”, sida uu yiri.

”Qunsuliyaddeenna guud ayaa arrintan la socota, waxaana war rasmi ah ka sugaynaa Turkiga,” ayay tiri Sara Brynedal oo u hadashay Wasaarad Dibadeedka Sweden.

 

Hadalsame Media