Shiinaha oo mamnuucay dhaqankii bahalo cunista ee dalkaasi (Cillad jirta)

0

(Beijing) 06 Maarso 2020 – Dalka Shiinaha ayaa xadidaad aad u adag kusoo rogey cunista xayawaanka iyo wax kasta oo nuuxsanaya oo ay cunaan Shiinuhu kaddib dillaaca caabuqa corona ee haatan caalamka ku fiday.

Caabuqan ayaa la rumaysan yahay inuu ka bilowday suuq bahalaha duur galka ah lagu iibiyo oo ku yaalla magaalada Wuhan.

Yeelkeede, weli lama oga nooca uu yahay bahalka ay insaanku cudurkan ka qaadeen — fiid meer, mas iyo pangolin-ka ayaa laga wada shakiyey — Shiinaha ayaana u muuqda mid iminka garowsaday in si cudurkan loo xakameeyo uu u baahan yahay in la hakiyo bahalo cunista ay dhaqanka u leeyihiin.

Bishii Febraayo waxay joojiyeen cunista dhamaanba  “duur joogta muhimka u ah dhulka, sayniska iyo dhaqanka bulshada,” iyadoo lagu wado in sharcigaa la saxiixo dhamaadka sanadkan.

Shiinaha ayaa loo jeediyey in haddii ay arrintani ka dhab tahay ay sidoo kale joojiyaan in xayawaanka loo adeegsado dawo dhaqameed ahaan, isla markaana ay bedelaan aragtida dadwaynaha ee arrintaa ku aaddan.

Hadalsame Media