Turkiga oo la yaabban siyaasiyiinta Soomaalida ee dalkaa yaacaysa

0

(Ankara) 06 Maarso 2020 – Asxaabey faallo kooban aan idin ka siiyo Turkiya iyo innaga! Maadaama maalmahan aan joogo. Soomaalida Turkiya wexey isugu jiraan, shacab maxastii ku la soo gabbaadsaday oo miciin biday!

Qaar Carabta ka soo cararay, qaar Soomaaliya ka yimi, qaar yurubta ka soo yohoomay! Arday kumanyaal ah oo deeq wax barasho helay, ama iska bixiya, ganacsato wax ka qaadda ama keenta, iyo dhalinyaro tahriib ah oo nolol raadinaya!!

Intaaba waxaa meel fariista yiri!!! Kana yaab badan!!! Siyaasiyiinta Soomaalida, kuwa hadda xilalka haya haba ugu badnaadaan!! iyo kuwo horay u soo qabtay! oo shacabkii masaakiinta ahaa ee ay xilalka u hayeen, oo dalkoodii meel ay ku negaadaan uga dhigaan!!! garab ordaya, oo qaxootinimada iyo martinimada kula tartamaya!! ama uga horreeya!!

Madaxweynayaal, wasiiro, guddoomiyayaal barlamaan, xildhibaanno, saraakiil heerar kala duwan, dhammaan wexey safka ku la jiraan shacabka qaxaya!!! Wexey raadinayaan: iqaamad!! guri!! Martigelin!! Keliya wuxuu wataa: baasaboor diplomasi!! haddana wuxuu raadinayaa: deegaan dalka!! Waayadaan dambe waaba xad dhaaf! Waxaad is leedahay: Xafiisyadii Dawladda iyo Gobolada Soomaaliya ayaa Ankara iyo Istanbuul loo soo wareejiyey?

Walaaleheen Turkidu waxaan filayaa iney yaab dhabannada haystaan: War ummaddan madaxdoodii musaska dhoobanyihiin yaa dalkoodii ka shaqaynaya?!! Masuuliin dawladeed oo wada qaxaya se yaa ixtiraam u haynaya?

Walaalayaal: Hannala yaabina, Ummad jabtay baanu nahay!! Nin Jabayna ceebtiisaa loo tagaa!!

Waxaa Qoray: Sh. Maxamed Idriis

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media