Aqoonyahanka Kenya oo qiray inaysan Kenya daacad ka noqon karin nabad ka dhalata Somalia (Talo ay soo jeediyeen)

0

(Nairobi) 05 Maarso 2020 – Kaddib markii ay Kenya dano gaar ah u adeegsatey joogisteeda Somalia, waxaa iminka markale dib usoo laabtay dooddii ku saabsanayd in aan dalalka deriska ah loo ogolaanin inay ciidamo usoo diraan Somalia, taasoo ahayd go’aan uu ansixiyey Baarlamankii KMG ahaa ee xilligii Xukuumaddii Cabdullaahi Yuusuf, balse mar dhexe la dhinac maray.

Hilinka maxalliga ah ee NTV ee dalka Kenya ayaa dood uu qabtay waxay aqoonyahannadii ka qayb gelayey isku raaceen inuusan dal deris ihi inta badan daacad ka ahaan karin wax kasta, gaar ahaan marka ay jiraan umuuro istaraatiji ah oo la isku hayo, sida Somalia-Kenya iyo Itoobiya oo iyadu beryihii dambe woxoogaa gaabsatay.

Prof Noah Midamba oo ah xeel dheere dhanka amaanka iyo siyaasadda dibedda ah ayaa yiri: ”Marnaba ma ahayn in Ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya laga ogolaado inay si toos ah gacmaha ula galaan Somalia. Keen Ciidamada K/Afrika, keen kuwa Congo. Haddii ay Afrika ka dhab tahay inay mushkiladeheeda xalliso waa in la keenaa ciidamo ka socda dalalkaas. Waayo markasta askariga Kenya waxaa loo arkayaa si ka duwan midka Congo. Waa qorshe cade maxaa taa loo samayn la’yahay,” ayuu is waydiiyey.

Danjire Erastus Mawencha oo ah Madaxa Sanduuqa Mun-dhisidda Afrika ayaa yiri: ”Had iyo goor waxaa wanaagsan in dalalka derisku ka fogaadaan nabad ilaalinta, waayo haddii ay wax khaldamaan, caqabad daba dheeraata ayaa soo baxaysa,” ayuu yiri isagoo sheegay inay taas ku fiican tahay marka arrinta meel wanaagsan la gaarsiiyo, maadaama ay hadda sanad doorasho tahay, sida uu yiri.

Falanqayn kooban – Dad badan oo yaqaanna xeerarka iyo xiriirka caalamiga ah ayaa qaba inaysan suurtagal ahayn in si wax ku ool ah horay loogu socdo inta ay jiraan cududo shisheeye oo ka mid ah saamileeyda misna aan baaskiilka u badeelaynaynin dhanka ay jirto jihada loo socdo.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media