Pakistan oo ka qayb qaadanaysa dhismaha Ciidanka Cirka Somalia (Daawo)

0

(Islamabad) 04 Maarso 2020 – Dowladda Pakistan ayaa ballan qaadday inay Somalia ka caawinayso tababarka ciidamada cirka, gaar ahaan dhanka dayuuradaha dagaalka ee kala geddisan.

Taliyaha Ciidanka Cirka Somalia, Sarreeye Guuto Maxamed Sheekh ayaa kulan uu la qaatay dhiggiisa Mujahid Anwar Khan oo ay isku arkeen caasimadda dalkaasi ee Islamabad maanta oo Arboco ah, waxay iskula soo qaadeen arrimo ah dhowr ah oo la xiriira istaraatijiyadaha ciidan ee labada dal.

Labada nin ayaa isla gartay in dhowr tillaabo horay loogu qaado dhanka ballaarinta iyo xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan dhanka ciidamada cirka ee labada dal ee Pakistan iyo Somalia.

Taliyaha Ciidanka Cirka Somalia (SAF) ayaa Ciidanka Cirka Pakistan (PAF) ku amaanay taariikhda sharfan ee ay leeyihiin iyo sidoo kale sida ay u cusboonaysiiyeen una maxalliyeeyeen farsamada qalabka ciidankooda, sanadihii yaraa ee dambe.

Taliyaha Ciidanka Cirka Pakistan, Mujahid Anwar Khan ayaa isna taageero iyo iskaashi u fidiyey Ciidamada Cirka Somalia oo u baahan dib u dhis ballaaran, isagoo ballan qaaday inay tababari doonaan duuliyeyaal, ciidamada dallaayadaha ku booda iyo xirfadleyaal kale oo ka shaqeeya dhanka cirka.

Hadalsame Media