RASMI: Af Soomaaliga oo lagu soo daray luuqadaha howleed ee Itoobiya

0

(Addis Ababa) 03 Maaro 2020 – Ethiopia ayaa si rasmi ah u meel marisay siyaasad cusub oo 4 luuqadood oo cusub loogu darayo luuqadaha rasmiga ah ee shaqo ee dalkaasi.

Luuqadahan ayaa ka ah Afaan Oromo, oo ah luuqadda ugu ballaaran Ethiopia, Cafar, Soomaaliga iyo Tigreega, kuwaasoo laga dhigay luuqado rasmi ah oo ay dowlada dhexe adeegsan doonto.

Siyaasaddan cusub ayaa ka mid ah qorshayaal silsilad ah oo dib loogu habeenayo hannaanka dhaqan dhaqaale ee dalkaasi Ethiopia, kuwaasoo uu gaashaanka u sido RW Abiy Ahmed oo sanadkii tegey hantay Billadda Nabadda ee Nobel Peace Prize.

Isbeddelkan ayaa dhaqan gelaya bil uun kahor doorashada Baarlamanka dalkaasi, iyadoo la sheegayo in Abiy oo 43-jir ihi uu arrintan u arko mid uu boorka iskaga jafayo kaddib markii uu ka baxay bishii malabka ee siyaasadda dalkaasi, isaga oo mucaaradad ka wajahaya gobollada Tigraay iyo xitaa midka qoowmiyaddiisa Oromada.

Marka la eego tirakoobkii ugu dambeeyay, waxaa afka Oromada ku hadla 34.4% dadka dalkaasi, halka Soomaaliga iyo Tigreegu ay yihiin 6%. Cafarta iyadu waa 1.7% oo qura, Sidaamada iyo Wolaytaduna ay laba laab ka badan yihiin.

Hadalsame Media