Madaxda Mandheera oo Janan & malliishiyaadkiisa u qabtay inay dhaqse uga baxaan Mandheera haddii kale…

0

(Mandheera) 03 Maarso 2020 – Xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta laga soo doorto Ismaamulka Mandheera ayaa markale si qayaxan u sheegay inaysan ogolayn ciidamo malliishiyaad ah oo ku sugan xeryo ciidan oo ku yaalla Mandheera.

Ciidamadan oo beryahanba halkaa ku sugnaa ayaa shalay dagaal looga soo saaray Barta 1-aad ee xuduud beenaadka u dhexeeya Kenya iyo Somalia, kaddib markii ay ka itaal roonaadeed Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa gaarka ah ee Haramcad oo ka tirsan Booliiska.

”Dadka iyo mas’uuliyiinta halkan ku sugani waa inay soo farageliyaan arrintan, malliishiyaadkan baxsadka ihi waa inay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan Mandheera.” ayuu yiri midkood.

”Haddii ay bixi waayaan waxaan ugu tegaynaa xeryohooda. Cabi Janan haddii uu weli Degmadan joogo waa inuu dhaqse uga baxaa Mandheera. Meeshani goob dagaal uma aha malliishiyaad shisheeye” ayuu daba dhigay, isagoo sheegay inay la kulmeen MW Somalia, Farmaajo, si ay albaab kasta u garaacaan.

Hadalsame Media