WARARKII UGU DAMBEEYAY: Saxaafadda Kenya oo qirtay in laga adkaaday ciidamadii Janan & kuwii Kenya oo kala cararay + Sawirro

0

(Mandheera) 02 Maarso 2020 – Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya dagaalka ka socda xad beenaadka Somalia iyo Kenya ayaa muujinaya in dirirtii maanta looga adkaaday ciidamada uu hoggaaminayo Cabdi Janan oo baxsad ka ah DF Somalia.

Warqaadka Daily Nation ayaa qiray inay ciidamada Kenya ee KDF ay si cad u taageerayaan malliishiyaadka ilaalinaya Cabdi Janan oo doonaya inuu dib u qabsado degmooyin ka tirsan Gedo oo ay haatan joogaan Ciidamada Xoogga Somalia.

”Ciidamada laga adkaaday ee Jubbaland ayaa waxaa qaabiley oo saldhigga Booliiska Mandheera ku sooryaynaya kuwa KDF ee saldhiggaa ilaalinaya,” ayaa lagu qoray Daily Nation.

Weli ma cadda in Wasiirka la doon doonayo uu weli ku jiro gurigii uu ijaartey iyo in loosoo wareejiyey xeryaha ciidan ee Kenya, ayuu warkiisa ku daray wargaysku.

Saraakiisha sare ee ciidamada Kenya oo uu ku jiro Taliyaha Booliiska Ismaamulka Mandheera, Jeremiah Kosiom, ayaa loola cararay xeryaha Millateriga iyadoo ay gelbinayaan kolonyo booliis ah.

Sidoo kale Booliiskii Kenyan-ka ahaa ee ilaalinayay baraha koontorool ee xad beenaadka ayaa markiiba goobta laga waayey iyagoo kala cararay, sida ku dhigay Daily Nation.

Hadalsame Media