DHEGEYSO: Wax kasta oo aad uga baahan tahay cudurka corona iyo sida loola macaamilo

0

(Hadalsame) 02 Feb 2020 – Waxaa la baajiyey boqollaal duullimaad. Waxaa go’doonsan dalxiisayaal badan oo qaar lagu karaantiilay hoteelladii iyo maraakiibtii ay ku tamashlaynayeen. Waxaa sagxadda u socda suuqyadii saamiyada caalamka, iyadoo ay dad badani dukaamada kasoo qaadanayaan kayd cunto, dawo, koleey warqadaha musqulaha ku tahay iyo waxyaabaha la isku ilaaliyo ee afka lagu xirto.

Guud ahaan caalamkii waxaa ka taagan cabsi uu sababay cudurka corona ama Covid-19. Haddaba ka ogoow dhowr qodob oo muhim ah:

Sidee fayruskani kuugu dhici karaa?

Covid-19 wuxuu sida hargabka ku fidaa qufaca iyo hindhisada. Marka aad qaaddo wuxuu fayrusku ku noolaanayaa kuna tarmayaa nudayaasha hawa mareenka. Dhecaannada kasoo dhiiqa nudayaashaas – sida candhuufta, diifka iyo axalku – waxay wada sidaan fayruskii.

Marka uu qofku qufaco, hindhiso ama xitaa hadlo, waxay hawada ku yaacaya dhibco yar yar oo ili ma aragti ah, kuwaasoo fayruskii xambaarsan. Haddii aadan qofkaa u dhowayn, halis kuma jirtid, maadaama ay dhibcahaa yar yari kaliya gaari karaan ilaa 7 cagood oo qura ama ku dhowaad 3 tillaabo.

Qofkee u dhiman kara cudurka?

Ilaah baa og, balse caadiyan waxay culimada caafimaadku isku raaceen in ay muhim tahay da’da qofka iyo cudurrada uu horay qofku u qabey. Tusaale, Covid-19 carruurta uu ku dhoco xitaa inta badan kamaba soo muuqdo, dalka Shiinaha oo uu cudurkani la degey, weli lama soo sheegin carruur iyo da’yar cudurka u dhimatay.

Walaaca ugu waynise wuxuu ka joogaa inay carruurtu cudurka u gudbinayaan waawaynka, taasina waa sababta ay maamulka iskuulladu u go’aansanayaan in iskuullada albaabada loo laabo.

Marka la eego xogta Waaxda Xakamaynta Cudurrada ee Shiinaha, heerka geerida cudurku wuxuu u dhexeeyaa 0.2% ilaa 0.4% marka ay timaaddo da’da u dhaxaysa 10 ilaa 50-jirrada, balse markasta oo ay da’du waynaato way sii dallacmaysaa boqolleeydu.

Tusaale, 50-meeyada heerka geeridu waa 1.3%, 60-meeyada waa 3.6%, 70-meeyada waa 8% ku dhan, 80-meeyadana waa 14.8%.

Boqolleeydu waxay la kordhaysaa da’da, gaar ahaan haddii uu qofku qabo cudurro hore sida kansarka, dhiig karka, sonkoroowga, cudurrada sanbabka sida qaar-jeexa iwm. Xaaladda qofku waa sii xumaanayaan haddii uu qofkaasi qaado cudurka Covid-19.

Miyaan weji qaris ka xirtaa goobaha ay dadwaynuhu isku yimaadaan?

May. Daraasaadku waxay muujinayaan in aanay taasi runtii kaa ilaalinayn inuu caabuqu kugu dhoco. Dadka qaar baa ku doodaya inay qofka ka caawinayso in aanu wejigiisa taataabanin, balse dad kale ayaa hubiyey inuu qofku in badan wejigiisa taabanayo.

Sababta qura ee ay tahay inaad weji ama san-qaris u xiran kartaa waa marka aad adigu tahay qofka cudurka qaba, si aad uga badbaadiso inta kale.

Dhanka karaantiilka iyo is karaantiilka uu qofku iskii u sameeyo.

Talada rasmiga ihi waxay tahay hadda: haddii aad booqatay gobolka Hubei oo ah midka looga arrimiyo Wuhan oo ah bar-bilowga uu cudurkani ka yimid 14-kii maalmood ee lasoo dhaafay, ama aad tagtay Iraan, woqooyiga Talyaaniga, Daegu iyo Cheongdo oo South Korea ah tan iyo 19-kii Febraayo, waa inaad wacdaa hay’aadka daryeelka caafimaadka, xitaa haddii aanad isku arag astaamaha cudurka Covid-19.

Waxaa lagu fari karaa inaad is karaantiisho muddo 14-maalmood ah.

Fadlan raac tilmaamaha!

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media