Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Beled Xaawo & Ciidanka Xoogga Somalia oo….

0

(Beled Xaawo) 02 Maarso 2020 – Weli rasaas teel teel ah ayaa laga maqlayaa Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, taasoo dhacda xuduudda waqtigan u dhaxaysa Somalia-Kenya, halkaas oo uu saaka ka bilowday dagaal u dhaxeeya ciidamada Soomaaliya iyo kuwa ka amar qaata Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Dagaalka ayaa la sheegay in lagu riixay malliishiyaadka ka dagaallamaya dhanka Mandheera, iyadoo la sheegay in hoobiyeyaal lagu ganay dhufaysyo ay ku jireen, halka ay madaafiic u kala gudubtey labada magaalo ee dhinaca isku haya ee Mandheera iyo Beled Xaawo.

Dadwayne fara badan ayaa iskaga qaxaya labada magaalo, kuwaasoo ka cararaya dagaalka, iyadoo aan weli la hubin inta ay la egtahay waxyeellada dhacday.

Ciidamada ay DF Somalia aaggaasi u dirtay oo ah kuwo aad u tababaran ayay wararka qaar sheegayaan inay u tillaabeen dhanka Mandheera, balse weli xaaladdu waa mid is bedbedelaysa.

Somalia iyo Kenya ayaa markale isku qabtay arrintan, iyada oo ay DF Somalia ay Kenya ku eedaynayso inay faragelinayso arrimaha gudaha Somalia, iyadoo gabbaad iyo taageero siinaysa Cabdi Janan oo ku eedaysan dembiyo dagaal, kaasoo kasoo baxsaday xabsi ku yaalla Muqdisho.

Hadalsame Media