28.6 C
Mogadishu
Friday, May 3, 2024
Home Arrimaha Caalamka DEG DEG: Xildhibaannadii la hayey oo lasii daayey (Sidee loola dhaqmay?)

DEG DEG: Xildhibaannadii la hayey oo lasii daayey (Sidee loola dhaqmay?)

0

Booliiska ayaa nimankan ku sugayey gegada Wilson Airport ee Nairobi, balse waxay kasoo degeen Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) iyadoo halkaa su’aalo lagu waydiiyey.

Xildhibaannadan oo ay 6 ka socdaan Mandheera, 3 Wajeer metela iyo 2 reer Gaarisa ah ayaa Muqdisho kula kulmay saraakiil ka tirsan Sirdoonka Somalia.

Waxay kala yihiin Kullow Maalim (Banisa), Ahmed Kolosh (Wajir West), Ibrahim Abdi (Lafey), Rashid Kassim (Wajir East), Mohammed Hire (Lagdera), Omar Salah Maalim (Mandera East), Bashir Abdullahi (Mandera North), Adan Haji (Mandera West), Adan Ali sheikh (Mandera South), Mohamed Dahir (Dadaab) iyo Ahmed Bashane (Tarbaj).

“WADA HADAL”

Kaddib sii dayntooda, Xoghayaha Amaanka, Muriithi Kangi, ayaa saxaafadda u sheegay in Xildhibaannada aan la maraanmarin, balse kaliya lala hadlay.

Hadalsame Media