DHEGEYSO: Sweden oo gebi ahaanba joojisey safarradii Iiraan

0

(Stockholm) 28 Feb 2020 – Wasaarad Dibadeedka Sweden ee UD ayaa go’aamisay in wixii haatan ka dambeeya la joojiyey wixii safar ah oo aan daruuri ahayn oo ku wajahan am aka imanaya dalka Iiraan.

Sababtu waa dillaaca cudurka laayaanka ah ee coronavirus oo dalkaa ku dhuftay.

Dhowr dal oo Iiraan la deris ah ayaa mar hore xirey xuduudaha ay dalkaa la wadaagaan, iyadoo ay iminka aad u xadidan tahay in la galo ama laga baxo dalka Iiraan, sida ay Wasaaraddu ku sheegtay War Saxaafadeedkeeda.

Sidoo kale, awoodda qunsuliyadeed ee ay Safaaradda Sweden ku kaalmayn karto muwaadiniinteeda halkaa ku sugan ayaa haatan kooban, xaaladda caafimaad ee uu dalkaasi haatan ku sugan yahay dartii.

Dhanka kale Hannaanka caafimaad ee dalka Iiraan ayaa waxaa haatan dul hoganaysa canaab ama culays qaadkiisa ka baxsan, wuxuuna weliba u muuqdaa mid ay xaaladdu kusoo adkaan doonto, maadaama kiisaska cudurka corona ee cusubi ay sii kordhayaan, sida ay sheegtay Waaxda Arrimaha Dibedda Sweden ee UD.

Hadalsame Media