DEG DEG: Madaxwayne Xigeenka Iiraan oo uu ku dhacay cudurka koroona

0

(Hadalsame) 27 Feb 2020 – MW Xigeenka Iiraan ayaa lasoo sheegayaa in laga helay cudurka coronavirus, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda dalkaasi, oo weli la hardamaya xakamaynta cudurkan.

Masoumeh Ebtekar ayaa ka mid noqotay 254 qofood oo uu cudurkani haleeyay, halkaasoo ay ilaa iminka ku dhinteen dad ka badan 26 qofood, marka la eego inta ay qirsan tahay dowladdu.

MW Xigeenka ayaa lagu xusuustaa inay ahayd afhayeennaddii af Ingiriisiga ku hadlaysey ee dadkii qabsaday Safaaradda Maraykanka ee Tehraan 1979-kii, taasoo socotey 444 maalmood.

Hadalsame Media