DHEGEYSO: ”Daqiiqad daqiiqad ayaan ula soconnaa” – RW Sweden oo daboolka ka qaaday qorshe cusub oo lagu wajahayo corona

0

(Svenstavik) 28 Feb 2020 – Raysal Wasaare Stefan Löfven ayaa maanta qabtay shir jaraa’id oo dheeraad ah oo uu kaga hadlayo cudurka coronavirus, isagoo ku sugan magaalada yar ee Svenstavik.

RW Löfven oo booqasho sii qorshaysneyd ku tegey guri lagu xannaaneeyo dadka waayeelka ah oo ku yaalla Svenstavik, ayaa waxaa markiiba kusoo qamaantay saxaafadda maxalliga ah oo raadinaysa xog ku saabsan heerka diyaarsanaanta Sweden ee cudurka halista ah ee coronavirus oo ay Sweden ku jirto dalalka uu soo gaarey. Md Löfven oo sheegay inay arrintan isha ku hayaan oo aysan ka jiifin ayaa xaaladda ka yiri:

”Marka koowaad waa in aannu dhiifoonaannaa oo aannu meel sare ka eegnaa waxa iman kara, isma dhigan karno sinaba, annagoo moodayna inay nagu filan tahay inta aannu ilaa iminka samaynay,” balse waa in aannu markasta hal tillaabo xaaladda kasii horreeynaa, ayuu yiri Md Stefan Löven.

Löfven ayaa tibaaxay in 1-dii bishan Febraayo ay Sweden gaartey go’aan ku saabsan in hay’adaha ay khuseeysaa ay qaadaan tillaabooyin aan caadi ahayn oo ay ugu kuur gelayaan cudurka iyo fal-celinta ku habboon.

Wuxuu sheegay inay wargeliyeen oo daqiiqad daqiiqad isha ugu hayaan dhamaanba hay’aadka ku shaqada leh adeegyada bulshada sida kuwa Dayreelka Caafimaadka, Arrimaha Bulshada, Isbitaallada, Ganacsiga iyo dhinacyo kale. Wuxuu sheegay in dowlad ahaan ay diyaar garoobeen.

”Diyaar ayaan nahay, oo waxaannu kulminaynaa khibradda Sweden oo dhan, aqoonta Sweden oo idil, kartida Sweden oo idil, si aannu u lafa-gurno sida ugu macquulsan oo aanu u gaari karno go’aan aanu oran karno sidan baannu arrintan u wajahaynaa,” ayuu daba dhigay RW Lövfen.

Hadalsame Media