Liverpool oo curudka CORONA dartii ku waayi karta koobkeedii ugu horreeyay ee EPL (Arrin cusub)

0

(London) 28 Feb 2020 – Tiiyoo ay jirto inay EPL ku hoggaaminayso 22 dhibcood, misna Liverpool ayaa waayi karta koobka Premier League haddii ay lacalla dhacdo inuu cudurka laayaanka ah ee coronavirus uu sabab u noqdo in fasal-ciyaareedka la joojiyo isagoo aan dhamaanin.

Kooxda Jurgen Klopp ayaan sidaa darteed haysanin ”wax damaanad ah” oo ku saabsan in loo cimaamadi doono taajka horyaalka haddii uu xilli-ciyaareedku dhamaado isagoo dhicis ah, faafista fayruskan dartii, sida ku dhigan the Telegraph.

Warbixinta ayaa intaa raacinaysa in aanu jirin ”xeer mucayin ah oo arrintan ka yaalla” haddii ay arrintani dhacdo oo aan la dhamaystirin 38-ka kulan ee horyaalka oo ka kooban laba weji oo is wada arag sii jeed iyo soo jeed ah.

Waxaa sidoo kale dhici karta in dhamaanba 3-da kooxood ee u laaban lahaa heerka 2-aad ay baaqi kusii ahaadaan heerka 1-aad.

Hadalsame Media