Kooxda Frankfurt Eintracht oo sheegtay war ka nixiyey taageerayaasha AC Milan

0

(Frankfurt) 18 Feb 2020 – Maareeyaha ciyaaraha Eintracht Frankfurt, Bruno Hubner, ayaa daboolka ka qaaday tafaasiil aan horay loo ogayn oo qayb ka ah heshiiska uu Milan ku yimi Ante Rebic oo la dhaafsaday Andre Silva.

Kaddib markii uu bilowgii ku dhibtooday inuu kooxda la qabsado, wuxuu Rebic is muujiyey markii uu fursad ka helay Stefano Pioli, wuxuuna 26-jirkani tan iyo bilashadii sanadka 2020 5 gool oo horyaalka ah oo ay ku jiraan 3 lagu badiyey.

Yeelkeede, haatan ayuu Hubner oo waraysi siiyey Kicker wuxuu sheegay war ka nixiyey taageerayaasha Milan, kaasoo ah in aanu heshiiska amaahda ah ee labada sano ah ee labada laacib aanu ugu yaraan dhanka Milan ku jirin dookh iibsi.

“Waxaannu heshiiskan galnay daqiiqadihii ugu dambeeyay, marka waxaannu isla garanay wax is dhaafsi amaah ah annagoo aan isku raacin wax kala iibsi mustaqbalka ah,” ayuu kashifay.

“Labada laacib heshiiskoodu waa isku xirnaa bilowgii, base hadda waa kala go’an yihiin.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media