DAAWO: ”Maraykanku wuxuu Khaliijka ula dhaqmaa sidii naago uu qabo oo u tartamaya qancintiisa!” – Imaaraadka oo afkiisa ku qirtay! (Arrin yax yax leh oo ka dhacday Shirka Munich)

0

(Munich) 18 Feb 2020 – Shirkii Amaanka Munich 2020 ayaa waxaa ka dhacday arrin qosol badan balse run ah oo la hor dhigay senetar Maraykan ah oo ka mid ahaa ka qayb galayaasha shirka.

Su’aasha ayaa waxaa jeedisey gabar Imaaraati ah oo la yiraahdo Dr Ibtisaam Katbi oo ah gabadhii ugu horreeysey ee Carabiyad ah ee hoggaamisa hay’ad wax lafa gurta oo madax bannaan ayaa tiri sidatan:

”Waxaan faallo iyo su’aalba u hayaa senatar Murphy. Haddii aan qeexo xiriirka dalalka Khaliijka iyo Maraykanka, wuxuu u egyahay sidii nin naago badan qaba, waxaana xiise badan inay weliba u tartamayaan tii ugu fiicnaan lahayd. Taas ayaa mowqifkiina Khaliijka ah.”

”Waad kaliya iska daawanaysaan, lacagteenna ayaad iska maalaysaan, hub baad naga iibinaysaan, kadibna intaas baad ku raaxaysanaysaan. Markaad u baahataanna waxaad dalalka Iskaashiga Khaliijka (GCC) ka codsanaysaan inay hawada idiin furaan. Markii ay Iiraan Sucuudiga weerartay waad daawateen uun, wax tillaabo ah maydnaan qaadin.” ayay daba dhigtay.

”Balse markii hal qof la idiinkaga diley Ciraaq, waxaad u disheen Sulaymaani iyo Muhandis, haddaba ma ii sheegi kartaa senatar Murphy istaraatijiyaddiina Khaliijka?” ayay waydiisey.

Senatar Murphy ayaa isku difaacey inuu aad uga horjeedo siyaasadda maamulka Maraykanka iminka ka jira iyo inuu aad u diiddan yahay hubka badan ee dalalka Khaliijka laga iibiyo iwm, balse jugta gabadhu waa hore ayay feeraha ku dhacday, iyadoo riddey duqayn laba dhinacleey ah oo halis ah.

Dhanka kale, siyaasiyiintii hore ee Maraykanku waa u cimaamadi jireen, balse tan iyo imaanshiyihii Trump wuxuu furka ka qaaday arrinta dhan, isagoo kashifay inuu Maraykanku baad siyaabo kala duwan uga qaado dalalka Khaliijka oo uu sheegay inuu xukunka ku hayo Maraykanku.

Hadalsame Media