QM oo soo dhoweysey wax ay ku sheegtay ”tillaabo ay horay u qaadday Somalia”

0
James Swan, the new UN Secretary-General's Special Representative for Somalia, inspects a parade mounted by the United Nations Guard Unit upon arrival at Aden Abdulle International Airport, Mogadishu, Somalia, on 25 June 2019. UN Photo / Ilyas Ahmed

(Muqdisho) 16 Feb 2020 – Qaramada Midoobay ayaa taageertay heshiiska ay gaareen Guddiyada Fulinta Hay’adda Hacagta Adduunka ee IMF iyo Baanka Adduunka, oo isku raacay inay Soomaaliya istaahisho in laga cafiyo qaamaha caalamiga ah ee lagu leeyahay.

QM ayaa qoraal ay soo dhigtay boggeeda rasmiga ah ee Twitter ee xafiiska UNSOM ee Muqdisho ku sheegtay inay Soomaaliya qaadday tillaabo wax ku ool ah oo khuseeynaysa sidii dalka lagaga cafin lahaa lacag dhan $ 5.3 bilyan oo uu caalamku ku leeyahay.

IMF iyo Baanka Adduunka ayaa todobaadkii tegey waxay DF Soomaaliya ku amaaneen isbedellada muuqda ee lagu sameeyay hannaanka maaliyadeed ee dalka, iyagoo sheegay inay Soomaaliya sidaa darteed istaahisho in laga daayo qaamaha lagu leeyahay.

Soomaaliya ayaa haddii qaamahan laga daayo xaq u yeelanaysa inay hesho qaamo kale oo ay ku maalgelin karto maashaariic waawayn oo dib u dhis kaabe iyo horumarin iskugu jira.

Hadalsame Media