DEG DEG: Sucuudiga oo Iiraan dusha ka saaray dilka RW Rafiiq Xariiri!

0

(Bayruud) 16 Feb 2020 – Wasiir Xigeenka Gaashaandhigga Saudi Arabia, Amiir Khalid Bin Salman, ayaa si ujeedo leh u xusay sanad-guuradii 15-aad ee khaarajintii RW hore ee Lubnaan, Rafik Al-Hariri.

“Wuxuu ahaa hoggaamiye isbeddel doon ah oo hor kacayey howlihii dib u dhiska iyo xasilloonida dalkiisa. Waxaa se khaarajiyey maliishiyaadka khiyaanada badan ee Iiraan,” ayuu yiri Amiir Khalid.

Warka uu Amiirku uu sidoo kale ku qoray Twitter-ka ayaa imanaya xilli Jimcihii la xusay sanad-guuradii 15-aad ee khaarajintii Xariiri, isagoo dusha ka saaray dalka Iiraan oo ay Sucuudiga is giriifsan yihiin oo uu siyaasadeeda cilladeeyay.

“Kaashka ay Iiraan qaybinaysaa wuxuu xallinayaa dhibaatada hal xisbi, balse waxba u tari maayo dalka Lubnaan,” ayuu daba dhigay jeer uu munaasabadda ka hadlayey.

RW Xariiri ayaa 14-kii Febraayo 2005-tii, waxaa lagu khaarajiyey bambo lagu qarxiyey kolonyo isaga waddey oo hor maraysey St. Georges Hotel ee magaalada Beirut, halkaasoo uu ku dhintay Xariiri oo metelayey Sunniga dalkaasi.

Hadalsame Media