”Farmaajo nin Soomaaliyeed oo Abiy la socda uun ha ahaado!” – Guddoonka Golaha Guurtida Somaliland

0

(Hargaysa) 16 Feb 2020 – Waxaa is taraya wararka sheegaya in uu Hargaysa tegayo MW Somalia, Md Maxamed C. Farmaajo.

Wararka qaar ayaa sheegayey in inta aanay booqashadani dhicin laga tala gelinayo Baarlamanka Somaliland.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in sida uu yiri uu Raysal Wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Ahmed, ”Somaliland ku cadaadinayo” in isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya wada yimaadaan Hargeysa.

Saleebaan, ayaa intaa daba dhigay in Xukuumadda Somaliland ay arrintaa ka biyo diiddan tahay, balse uu Abiy mar kale codsigiisa imaanshiyaha Hargaysa ku soo celiyay.

Guddoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay in aanay marna ogolaanayn in Farmaajo, oo Madaxweyna ahi yimaado Hargeysa.

“Annagu waxa aannu leenahay ha noo keenin, laakiin haddii uu la yimaado dee dili mayno, balse nin Soomaaliyeed oo Abiy la socda ha ahaado” ayuu Saleebaan u sheegay weriye Xasan Gallaydh oo ka tirsan Horncable TV.

Hadalsame Media