Arag sida ay reer HARGAYSA uga fal-celiyeen warka sheegaya in MW Farmaajo halkaa tegayo

0

(Hargaysa) 16 Feb 2020 – Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu booqasho taariikhi ah ku tegayo magaalada Hargaysa.

Wararku waxay intaa raacinayaan in uu Madaxwaynaha halkaa ku wehlin doono Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, iyadoo ay booqashadu dhacayso todobaadka dambe, sida laga xigtey ilo xog haya.

Booqashadan ayaa la sheegayaa inay daba socoto kulankii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Addis Ababa, waxaana lagu wadaa in arrintan la hordhigi doono Baarlamanka Somaliland oo ka arrinsanaya.

Somaliland ayaa waxaa ka taliya maamul sheegta inuu 1991-kii ka go’ay Somalia inteeda kale, kaasoo aanu jirin xitaa hal dal oo aqoonsaday kaddib 29 sano.

Dad badan oo waxgarad ah oo koonfur iyo woqooyiba leh ayaa qaba in kala taagnaantaasi ay sii ragaadinayso oo qura aayaha umadda Soomaaliyeed, sidaa darteed loo baahan yahay xal caqli ku dhisan oo ka waxtar badan cayrsiga siyaasad sii cayrtaynaysa misna cawaraysa Soomaalida.

Haddaba maxay dadwaynaha reer Hargaysa ka yiraahdeen?

Barwaaqo Hassan Hajji Faarah Waa sababta muuse biihi cafiskii uqaadan waayey ama udiidi laayahay ileen balankii ayaa jiree hhhhhhh soo dhawoow madaxwaynaha qaranka somaliyeed Mohamed Abdilaahi farmaajo♥️♥️♥️♥️?

Welcome your Home madaxwayne farmaajo

Mo Yousof Bakayle Maalindhoweyd oon xogtan sheegay waaba layla yaabana kkkk iminkay walaal ina odhanayaan 30kii baa tihiin ee waxba haw sheegin dadkan Lol kkk

Maxamed Caynaan Free farmaajo kari maynee miyuu iska joogo way wadwadaaye Farmaajo oo c/maalik liinta la cabaya ayaa lay tusay?

Aduunyadiina muusaw xoriyatul qawlka ilaali ay ku waasheen

Imikaba reer xamarow ninka muuse wax waliba way ka suurtoobaane inankiina iska joog dhaha?

Mahad Aakhiro Ayaandarro Ka wayn ma Aqaaan in Maanta Dad Somaliyeed Xabashi Dhexdhexadiyo.

Muhammad Suleiman Adduunyada nin noolow maxaa aragti kuu laaban.

Haddii Farmaajo yimaaddo Hargeysa, wixii intaas ka danbeeya tegitaanka Xamar waa fasax sow maaha oo dib qof Xamar tagay looma xidhi doono????

Buuni Cabdi Boodhki soo dhaweynta Sagal Jet maaney weli inagga diyaarin?

Cabdikarim Cali Aadam Warkaasi haduu dhab noqdo waa in si dhaqso ah xilka looga xayuubiyaa muuse biixi

Yassin Mahdi Hadii ay xaqiiq noqoto waa guul soomaali usoo hoyatay waxaanay Ififaalo u tahay Xal soo degdega oo soomaali dhamaanteed wada daweeya insha alah

Ali M Jama Ma wadadii Shiikh iyo Burco isku xidhaysay ee uu berigii yidhi waan dhisayaa ayuu soo hubinayaa Gobolka ay ku taallo ?

Muxammad Cafish Ciyaar siyaasadeed aan sahal ahayn ayaa socota taas oo aanay fahmi karin badi dadka soomaalidu. Waa aynu aragnaa idinka Alle halka xaal ku dambeeyo.

Mustafa Cali Farmaajo Haduu yimaado Hargeisa waxaay ka dhigan tahay inuu Ictiraafay Jamhuuriyada BARAKEESAN EE SOMALILAND

Abdirahman Salah Mar hadduu khaalid soo dhigay 80% waa run

Kolay aniga Ak47 kaygii waa ii diyaar.

Farmaajona waa ogyahay waxa naga dhexeeya

Farxaan Aabi
Waa nasiib ayuu yidhi gaalo laaye balse doqoniimo ayaa wehelisa

Waan ka xumay in uu gaal African ahi ka caqli bato laba wada dhashay oo soomaaliyeed balse hadana waan ku faraxsanay in dadtii kacdoonka dhalintu soo dhawday…..

Cabaas Abdiraxman Gaaxnuug Laamiyada uun inaga si hagaajiya ilmaderayal

Mar’uun aynu qayrkeen gaadhno’e soo dedejiya heshiiska
Khaalid Foodhaadhi??

ZaLmaan CaaqiLka Muuse biixi ma difaac jilic sanbu kuLa kulmaY markaa oo walasoo jabsadaad ileedahaY oo uu yeelaY waaa War aaN macquul ahaYn hadii uu noqdaNa qiYaamihi waxba kama hadhine haaN masaajid iska gaLo

Liipan Cawil Warkii hore war so dhaaf
Wa taan filayay waar muuse dib u eedayn maayo haduu gacmihiisi somali wayn ku dhisayo

Hussein Hashi Jamac Hodan Moho inuu Orom ina dhexdhexaadiyo inagaa iskugu wacan eeg aan wada hadalo waa aan heshiino haddii la kala go’ayo iyo haddii laysku imanayaba kalmada fiicana waa sadaqo fadlan cayda jooji.

Lamumbe A. Mijir Farmaajo ma imankaro umana soo dhawaan karo xataa hawada somaliland

Hamze Gafun Rer hargeysa hala soo dhaweyo madxweynaha umadda❤️

Hadalsame Media