”Juventus iyo garsoorayaasha Talyaaniga waxaa wada maalgelisa shirkadda iska leh Juventus!” – Madaxii UEFA ee baarista oo arrin cusub kashifay!

0

(Roma) 15 Feb 2020 – Umberto Lago, madaxii hore ee UEFA ugu qaybsanaa baarista isla markaana ka mid ah ragga keenay fikradda dhaqaale wanaagga FFP, ayaa isagoo u warramaya Radio Punto Nuovo, ayaa wuxuu soo dhoweeyay tillaabada laga qaaday Manchester City isagoo sheegay inaysan macquul ahayn in dakhliga iidhehyadu uu 30% ka noqdo guud ahaan waxa kooxda soo gala.

Dhanka kale Lago ayaa taabtay arrin kale oo uu muran badani ka taagan yahay, waana garsoorayaasha Talyaaniga oo si muuqata ugu eexda kooxda Juve, taasoo aan iminka xitaa qarsoodiba ahayn. Lago ayaa kashifay arrin walaac leh.

“Jeep waxay wada maalgelisaa Juve iyo garsoorayaasha. Dalkeennu waa mid ku caan ah danaha iska hor imanaya (conflicts of interest), wax cusub maaha.” ayuu yiri Lago.

”Sida aan qabo, waxay ahayd in uu Xiriirka Kubadda Cagtu arrintaa diido isagoo raacaya baaqa anshaxa diidaya in la aqbalo iidhehyada lugta la gelaya kooxaha.” ayuu daba dhigay.

Waxaa ka sii daran in aysan arrintu ahayn sponsor la isla wadaago oo qura, waayo Jeep oo ah sharikad gawaarida farsamaysa oo Maraykan ah, waxaa saamiga ugu badan ka iibsadey FIAT oo ah sharikadda gawaarida farsamaysa ee iska leh Juventus.

Hadalsame Media