Somalia oo looga digey halista ku hoos qarsan siyaasadda Maraykanku ku wajahayo dalkeenna!

0

(Nairobi) 15 Feb 2020 – Siyaasiga Faarax Macallin ayaa Somalia uga digey halista ku aasan siyaasad dibadeedka Maraykanka oo aan inta badan raacin anshax, xeer iyo qiyam, balse gebi ahaanba ku dhisan danta dalkaasi leeyahay.

Faarax ayaa Twitter kusoo qoray: ”Somalia waa inay ka baaraan degtaa ku tiirsanaanteeda Maraykanka iyo dagaalkiisa argagixiso la dirirka ah. Waxaa si ku filan u cad in danaha Maraykanka ee dunidu ay ku dhisan yihiin (oogista) khilaafyo joogto ah.”

”Qaabaddaas ayuu Maraykanku ku xadaa khayraadka dabiiciga ah ee dowladaha fashilmay sida uranium-ta Soomaalida iyo saliidda Suuriya.” ayuu daba dhigay.

Faarax ayaa ka dayriyey arrin kale oo ka mid ah hiddaha iyo dhaqanka ay leedahay siyaasadda ku dhisan kali cunidda (zero-sum) ee Maraykanku ku dabaqo dalalka u jaba.

”Maraykanka taariikhiyan waxaa lagu yaqaan inuu waayo arag guuleed ku yahay kala dirista dalalka, ee ma aha mid dal dhisa,” ayuu ku dooday Macallin.

”Eeg Ciraaq, Afghanistan & Haiti. Somalia waa ku khaldanayd qaabka ay saaxiibbada u xulatay. Hab-howleedka Maraykanku waa fahamkiisa hoggaamiye kooxeedyada (Madaxda Gobollada) taasoo lid ku ah rabitaanka shacabka.” ayuu hoosta ka xarriiqay.

Maraykanka ayaa beryahan dhex boodayey Maamul-goboleedyada, iyadoo ay dad badani ka xun yihiin doorka fiiqan ee uu ciyaarayo Danjiraha Maraykanka ee Somalia, oo aysan sharciyan ahayn inuu la fal galo siyaasadda maxalliga ah ee Somalia.

DF Somalia ayaan arrintaa ka hadlin, iyadoo uu Maraykanku sidii coomaad ugu dego raqda dalalka dhulka yaalla, sida Somalia.

Hadalsame Media