Laacib reer Hargaysa ah oo ku biiraya koox ka dhisan Muqdisho

0

(Hargaysa) 14 Feb 2020 – Kooxda Gaadiid ee ka tirsan kooxaha ka dhisan Horyaalka Somali Premier League ayaa soo qaadatay laacib cusub.

Laacibkan oo lagu magacaabo Ayaanle Guud Boon ayaa lagu wadaa inuu maanta kasoo dego magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Ayaanle Guud ayaa u safanayey kooxda Gaashaan ee ka dhisan magaalada Hargaysa ee caasimadda maamulka Somaliland.

Laacib Ayaanle ayaa dareensan inay tani fursad uu kusoo bandhigi karo hibadiisa ciyaareed oo uu haatan u helay maxaddo muhim ah.

Hadalsame Media