”Somalia waxay u qalantaa QAAN dhaafis!” – IMF & Baanka Adduunka oo isku raacay

0

(Washington, DC) 13 Feb 2020 – Guddiyada Fulinta ee IMF iyo Baanka Adduunka oo kulan yeeshay 12-13 Febraayo, sida ay u kala horreeyaan, ayaa ka baaraan degaya in Somalia qaamaha laga khafiifiyo iyadoo la raacayo hannaanka qaan dhaafista dalalka faqriga ah ee aadka u daymaysan ee HIPC.

Guddiyadan ayaa u hambalyeeyay DF Somalia oo ay ku amaaneen dadaalka ay ku samaynayaan isbedello dhanka hay’aadka maaliyadeed ah, iyagoo weliba wajahaya caqabado fara badan.

Waxayna isku raaceen in Somalia ay u qalanto in la siiyo taageerada loo yaqaanno HIPC ee qaan khafiifinta, iyadoo ay qiimayntu weli hordhac tahay.

Tillaabadan ayaa ah mid loo qaaday dhanka in guud ahaanba la cafiyo qaamaha Somalia caalamka ka qabto oo gaarsiisan US$5.3 bilyan oo doollar.

“Heshiiska ay Guddiga Fulinta ee IMF maanta ku gaareen in ay Somalia qaan dhaafis u qalanto waxay muujinaysaa sida loo aqoonsaday dadaallada ay Somalia ka samaysay dhanka dib u habaynta hay’adaha maaliyadeed.” ayay tiri Kristalina Georgieva, oo ah maareeyaha IMF.

“Maanta waxay Somalia u tahay mid ay Somalia u qaadday inay dib u hesho maaliyaddii ay caalamka ka heli jirtey, kuwaasoo ay ku jiraan kuwa ay bixiso IDA, oo kaalmeeysa dalalka faqriga ah. Waxaan dhararaynaa taageero ballaaran oo uu Baanka Adduunku Somalia siiyo.” ayuu yiri David Malpass, oo ah Madaxwaynaha Baanka Adduunka.

Arrintan ayaa noqonaysa guul caalami ah oo ay soo hooysey xukuumadda haatan jirta oo aad iskugu howshay sidii Somalia looga cafin lahaa qaamaha ku raagey oo u diiddan inay hesho mashaariic waawayn oo dib u dhis iyo horumarin ah.

Hadalsame Media