Florenzi-ga Valencia oo FURUQ ku dhacay!!

0

(Valencia) 14 Feb 2020 – Laacibka Roma-leedahay ee Alessandro Florenzi ayaa waxaa ku dhacay cudurka furuqa, sida ay ku dhawaaqday kooxda uu u amaahan yahay ee Valencia, mana cadda muddada uu maqnaan doono.

Laacibkan 28-jirka ah ayaa gegada Mestalla ku tegey amaah 6 bilood ah bishii Jannaayo, wuxuuna durba saftay 3 kulan oo rasmi ah oo uu midkood kaadhka cas ka qaatay kulankii ay kooxdiisa 3-0 ku dubatey kooxda Getafe.

Haatan waxay Valencia sheegaysaa in guuldarradaas ay laacibka u raacday dhibaato kale, kaddib markii Florenzi laga helay furuqa dadka waawayn.

Waxay taasi ka dhigan tahay inuu laacibku seegayo lugta hore ee wareegga bug-baxda Champions League ee ay wajahayaan dhibleeyda Atalanta, kaasoo San Siro ku qabsoomaya fiidnimada Arbacada soo aaddan.

Hadalsame Media