Nin eeday u codayntiisii BREXIT kaddib markii saf dheer lagu geliyey garoonka Amesterdam!

0

(Amesterdam) 14 Feb 2020 – Nin u codeeyay in ay UK ka baxdo MY (Brexiteer) ayaa lagu khasbay inuu saf galo oo sugo inta laga hubinayo Baasaboorkiisa, jeer uu ka degey garoonka magaalada  Amsterdam isagoo leh “tani ma aha Brexit-kii aan u codeeyay”.

Colin Browning, oo sheegay inuu ka mid yahay 17.4 milyan oo British ah oo u codeeysay Brexit, ayaa ka cowday in la geliyey saf dheer oo uu ku jirey ku dhowaad saacad garoonka Amsterdam Airport Schiphol si Baasaboorkiisa loo hubiyo.

“Runtii aad baan uga yaqyaqsooday adeeggii la iigu sameeyay Schiphol. 55 daqiiqo ayaa saf taagnaa. Tani ma aha Brexit-kii aan u codeeyay,” ayuu kusoo qoray boggiisa Twitter, isagoo sheegay inuu waqti ka badan intii uu hawada ku jirey uu ku qaatay safka Waaxda Socdaalka.

“Waxaan ka baqayaa in tani tahay wixii aad u codaysay. Dadkii doonayey in Yurub lagu sii jiro si toos ah ayay kuugu sheegeen cawaaqibta ka dhalan karta Yurub oo laga boxo, balse waad iska dhega marisay digniintaas #ProjectFear,” ayuu nin kale ugu soo jawaabey.

”Eeen, tani runtii waa wixii aad u codaysay, bilaash looma dhihin xorriyadda socodka, waxaadna u codaysay inaad joojiso xorriyaddaas isu socodka. Waad ogayd wixii aad u codaynaysey,” ayuu qof kale kusoo jawaabey.

Si kastaba, weli Britain waxay ku jirtaa xaaladda kala guurka ah oo soconaysa ugu yaraan ilaa Jannaayo 2021, marka arrintani weli si toos ah ulama xiriirto Brexit.

Hadalsame Media