”Dooni mayno raalli gelin QALLALAN!” – Siyaasi Somaliland ah oo afka ku dhuftay dalab aan horay looga maqli jirin siyaasiyiinta dhankaas! (Waa maxay?)

0

(Hargaysa) 14 Feb 2020 – Cabdirahmaan Maxamuud Caydiid (Solteco), oo ah Duqa Magaalada Hargaysa ayaa ka af celiyey raalli gelin uu bixiyey MW Somalia, Md Farmaajo.

MW Farmaajo ayaa shalay sheegay in wixii ka dhacay woqooyiga Somalia ay ahaayeen wax aanu qabiil gaar ihi falin, balse uu sameeyay nidaam markaa jirey, balse wuxuu muujiyey inuu ka xun yahay shacabkii lagu laayey ama lagu qixiyey woqooyiga.

Qoraalka uu Soltelco soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u qornaa sidan:

“Dhiig dad raali gelin lagama sameeyo ee qisaas baa laga sameeyaa,”

”Walaahi wixii umada Jamhuuriyada Somaliland ku dhacay xitaa kala noqosho kuma filna, markaynu is Aqoonsano laba Waddan kabacdi ayaynu diyo qaadan karna, maqaadan karno raali galin tiiqtiiqsi ku jiro,” ayuu daba dhigay Cabdiraxmaan (Solteco), Duqa Hargeysa.

Waa markii ugu horreeysey ee uu siyaasi Somaliland ihi si rasmi ah afka ugu dhufto erayga ”diyo” ay ka doonayaan dhibkii ay dhigtay dowladdii caskariga ahayd.

Hadalsame Media