WAR CUSUB: Dadka u dhashay Midowga Yurub ee UK deggan oo la TARXIILAYO haddii….

0

(London) 14 Feb 2020 – Britain ayaa sheegtay inay dalkeeda ka tarxiili doonto dadka u dhashay Midowga Yurub haddii aysan xilliga ku habboon samaysan diiwaan gelin ah inay doonayaan inay dalkaasi sii joogaan kaddib Brexit, sida uu sheegay Wasiir Gudeedka, Brandon Lewis.

Wasiirka ayaa xaqiijiyey in dadkaa laga cayrin doono dalka Britain xitaa haddii ay buuxiyaan dhamaanba shuruudaha ay ku joogi karaan dalkaasi, haddii aysan is diiwaan gelin.

Wasiirka ayaa intaa daba dhigay in haatan ay is diiwaan geliyeen 1.8 milyan ka mid ah 3 milyan oo Midowa Yurub ka jooga dalkaasi, kuwaasoo haatan haysta ilaa ugu dambayn bisha Diseembar 2020.

Wuxuu se sheegay in qofkii keena “marmarsiinyo maangal ah” loo garaabi doono isla markaana waqtiga loo kordhin doono si uu u helo fursad uu ugu noolaado ugana shaqaysto UK.

Haatan, dadka u dhashay EU – iyo qoysaskooda – ku nool UK ayaa haysta ilaa dhamaadka 2020 si ay u dalbadaan rukhsadda iqaamada EU Settlement Scheme haddii ay EU iyo UK ku kala tagaan heshiis la’aan, ama ilaa Juun 2021, haddii ay wax ku heshiiyeen.

Hadalsame Media