DAAWO: Wiil Soomaali ah oo dhoof dartii isu dhalan rogey oo Turkiga lagu qabtay + Sawirro (Hal khalad farsamo oo galaaftay)

0

(Ankara) 14 Feb 2020 – Booliiska muraaqabada ayaa gacanta ku dhigay wiil magaciisa lagu koobay Ibraahiim oo Soomaali ah, kaasoo isku dayayey inuu si sharci darro ah ku galo dalka UK.

Wiilkan dhallinyarada ah ee Soomaaliga ah ayaa lagu qabtay gegada Esenboğa Airport ee caasimadda Turkish-ka ee Ankara maalintii dorraad.

Wuxuu miiska baarista soo istaagey isagoo u xir-xiran inuu u dhoofo dhanka London, isla markaana si baasaboor ay ku qoran tahay Khadija H.

Wax kasta oo gabar u ekaysiin karaa waa u dhamaayeen: goonno dheer, koor abuu dhogor ah, shaash ku dheggan iyo naashnaashkii haweenka oo si wanaagsan loogu dhoobay.

La tuhunsanuhu si wanaagsan ayuu iskugu ekeeyay qofka ku sawiran baasaboorka uu watey, deeto waxay booliiskan oo meesha loo dhigay il macaanidu ka shakiyeen naashnaashka cusub ee aadka ugu dhooban wejigiisa.

HAL KHALAD OO AAD U WAYN OO UU SAMEEYAY?!!

Booliiska hubinta ayaa deeto dib ugu noqday kaamirooyinka amaanka, waxayna soo heleen in ay gabari dokumentiyada safarka wiilka ugu dhiibtey gudaha garoonka.

Booliiska ayaa deeto wiilka ku amray inuu masarka iska siibo, isla markaana iska dhaqo naashnaashka wejigiisa saaran, iyagoo bilaabay inay hubiyaan agabka uu wato.

Wuxuu wiilkii noqday Ibraahim M., kaasoo ah Soomaali Turkiga yimid bishii Sebtembar 2019-kii.

Khadija H., oo noqotay saaxiibtii, ayaa iyadana gacanta lagu dhigay xilli ay isku dayaysey inay garoonka ka cararto.

Labaduba haatan waa xiran yihiin.

Halkan hoose ka daawo….

Hadalsame Media