Imisa ayay khasaaraysaa kooxda Man City kaddib ganaaxa UEFA?! (Macallinka & maqaawiir ka tegi karta)

0

(Manchester) 14 Feb 2020 – Kooxda Manchester City ayaa laga cayriyey tartanka CL, iyadoo sidaa ku khasaari doonta adduun ka badan £170milyan oo gini kaddib markii looga naxsaday ganaax ay 2 sanadood ku seegayso tartanka Champions League.

Go’aanka UEFA ayaa sidoo kale horyaallada Premier League ku ganaaxey inay bixiyaan €30milyan oo euro (£25m gini) kaddib markii ay ku tacaddiyeen xeerka dhaqaale wanaagga Financial Fair Play.

City ayaa lagu haystaa inay ka been sheegtay kharashaadka kasoo gala iidhehyada ay samayso, iyadoo cayilisey koontooyinkeeda, markii ay gudbineysey xisaab xirkeeda UEFA.

City ayaa fasalkii tegey £86m ka heshay ka qayb galka Champions League, sidaa darteed, haddii ay laba sano seegto waxay khasaaraysaa ugu yaraan £170m oo euro, waxaana dheer kharashaad kale oo laga helo iidhehyada, garoomada iyo TV-yada.

Xitaa marka la eego dhaqaalaha guud, waxay kooxdu sanadkan samaysay faa’iido aan ka badnayn £10m marka ganaax noocan oo kale ihi aad buu usii dhibayaa.

Durba waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu kooxda ka tegi doono Pep Guardiola oo looga gacan haadinayo Talyaaniga iyo Spain. Sidoo kale qaar ka mid ah xiddigaha kooxda.

Hadalsame Media