Soomaalida Norway, arrin kale oo nasiib darro ah oo ka dhacday masjidkii lagu muransanaa ee Oslo

0

(Oslo) 10 Feb 2020 – Laba haweenay ayaa dagaal ba’ani ku dhex maray masjidkii lagu muransaa ee ku yaalley Åkebergveien ee awfiiq Islamsk Senter ee magaalada Oslo xalay fiidkii, iyadoo midood fari ka go’day.

Haweenayda farta laga goostay ayaa da’deeda lagu qiyaasay 30-jir, waxaana loola cararay isbitaalka sida uu sheegay Taliyaha Booliiska Oslo, Christian Krohn Engeseth.

Waxaa la tuhmayaa in haweenayda gabadhan faraha ka cuntay ay tahay 50-jir waxaana markiiba gacanta ku dhigay booliiska oo maraanmari doona maalmaha soo socda oo dhan.

Booliiska ayaa sheegay inaysan weli meel saarin nooca uu yahay xiriirka ka dhexeeya labadan haweenay, isla markaana aanay go’aamin karin waxa ay isku maageen.

Booliiska waxaa saacadda maxalliga ihi markii ay ahayd 5:34 pm u wacay qof ka mid ahaa dadkii goobta joogey, waxayna wadaan baaritaanno joogto ah.

Masjidkan ayaa horay waxaa uga taagnaa dood qabali ah oo ay dad badani ku yaqyaqsoodeen.

Hadalsame Media