Maareeyihii Ciyaaraha ee Barcelona oo ka hadlay kooxaha uu ku biiri karo Leo Messi

0

(Milano) 10 Feb 2020 – Ariedo Braida oo maareeye ciyaareed kasoo noqday AC Milan oo uu 30 sano joogey iyo Barcelona ayaa haatan sugaya mashruuca xiga kaddib markii uu ka tegey Barca.

Ninkan Friuli-ga ah ayaa maanta u warramay idaacadda Radio Anch’io Sport wuxuuna ka fikir dhiibtey kulankii xalay ee Derby Milano: “Waxaan rajaynayey inay Milan badinayso kaddib bandhiggii cajiibka ahaa ee gelinka hore, ha yeeshee, kubaddu waa iska sidan, haddii uusan joogeen Ibrahimovic dhibku wuu ka badnaan lahaa, balse Rossoneri waa soo noqonaysaa.” ayuu yiri.

Braida ayaa sidoo kale la waydiiyey Lionel Messi oo loo badinayo inuu xagaagan iskaga tago kooxda Barcelona, ​​kaddib markii ay isku dheceen Eric Abidal iyo kooxda uu iman karo.

”Waa laacib qaali ah oo ay cayrsanayaan kooxo British iyo Talyaani ah, wuxuuna u baahan yahay mushahar badan.” ayuu yiri.

Maareeyihii hore ee Blaugrana ayaa la waydiiyey kooxda uu la jeclaan lahaa Messi Inter ama Juventus. Wuxuu ku jawaabey: «Milan (qosol yar). Kooxda ugu fiicani waa Milan, waxaana sidaa leeyahay inuu Milanista ah. Waayo waxaan u baahan nahay laacib leh shakhsiyad adag sida Ibrahimovic. Balse Juve iyo Inter waa kuwa qaadan kara, waayo waqti xaadirkan iyagaa si wanaagsan ugu diyaarsan,” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media