Iiraan oo mar qura soo bandhigtay gantaalo baalistig ah & dayax-gacmeed ka fashilmay!

0

(Tehraan) 10 Feb 2020 – Iiraan ayaa soo bandhigtay gantaalo baalistig ah oo ku socda matoor casri ah, kaasoo waloow uu ka fudud yahay gantaalihii hore misna ka galaangal badan.

Gantaalahan ayaa waxaa soo bandhigay Taliyaha Ciidamada Ilaalada Jamhuuriga, Sarreeye Guud Hossein Salami, sida ka muuqata sawirro ay soo bandhigeen ciidamada dalkaasi.

Gantaalkan oo la yiraahdo Ra’d-500, ayaa la sheegayaa inuu 2 jeer ka fudud yahay moodalkii hore — Fateh-110. Matoorka uu gantaalkani ku socdo oo ka samaysan miiqyo kaarboon ah oo dabka u gigsada ayaa ilaa 100 Bar u adkaysan kara cadaadiska, sidoo kalena aanu waxba ka dhibaynin heer-kul dhan ilaa 3,000 darajada Celsius.

Adeegsiga agabkaas ayaa sidoo kale gantaalka ka caawinaya inuu gaaro masaafo dheer oo ilaa 500 KM ah — marka loo eego noocii ka horreeyay oo gaarayey 300 KM.

Iiraan ayaa sidoo kale hawada u dirtay dayax-gacmeed lagu naanayso ‘Zafar’ — oo afka Faarisiga ku ah ‘Guul.’

Zafar oo loo adeegsan karo inuu sawirro hufan dhulka ka qaado, isla markaana wax ka taro digniinaha dhul-gariirka iwm, ayaan gaarin lakabkii ka caawin lahaa inuu dhulka ku wareegaalaysto.

Hadalsame Media