”Waa nasiib darro inuu Xildhibaanku si khaldan wax u fasiro!” – Aqalka Sare oo furka ku xooray Xil. Mahad Salaad (War Saxaafadeed)

0

(Muqdisho) 10 Feb 2020 – Aqalka Sare ee DF Somalia ayaa si kulul hadal kasoo yeeray Xildhibaan Mahad Salaad oo sheegayay in ”sharciga Batroolka uu saxiixay MW Somalia aanu soo marin habraaca Sharci-Dejinta dalka, isla markaana aanu waafaqsanayn Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.”

Aqalka Sare ayaa warkaa waxba kama jiraan ku tilmaamay, wuxuuna soo saaray War Saxaafadeed rasmi ah oo uu ku faahfaahinayo hab-raacyada iyo hab-howleedyada uu ku shaqeeyo.

”Waa nasiib darro inuu Xildhibaanku ka been abuuro hab-raaca dastuuriga ah ee uu ku shaqeeyo Aqalka Sare,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Aqalkaasi.

Waxaa qoraalka lagu bayaaniyay in qodobka 76-aad uu dhigayo in guntanka kooramka Aqalka sare uu noqonayo 28 xubnood.

Wuxuu sidoo kale Aqalka Sare soo qaatay in fakhradda 1-aad ee Qodobka 75-aad uu Golahaasi awood buuxda u siinayo inuu samaysto xeer hoosaadyo uu isagu ku shaqeeyo, haddii aanay ka hor imanaynin Dastuurka dhexe.

Halkan hoose ka akhri…

Halkan ka eeg warkii Mahad Salaad

Hadalsame Media